Warar & Wargelin
News
Joojin Xad-gudubka lagu hayo Xaruntii Jiifka Ardayda iyo Dhulka Bannaan (Rosorvo) oo JUS- Ex- Control Afgooye.
02 October 2024
News
Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, asagoo tixraacaya Warqadda Ref
JIS/MG/GJ/1529/2024, ee ku taariikhaysan 3/07/2024, kana soo baxay Jasmacadda Ummadda Soomaaliyeed, Ujeeddadeeduna ahayd Joojin boob Dhul iyo Deegaameyn, iyo Tixraec Warqadda SUMAD: XGG/219/2024, ee ku taariikhaysan 22/07/2024, Ujeeddadeeduna
ahayd Joojin boobka iyo Ku-xad-gudubka Dhuialka JUS, kana soc baxday Xafiiska
Garyaqaanka Guud ee Dawladda
Xafiiska Garyagaarka Guud eeDawladda oo ka masuul ah Difaaca iyo Daryeelidda Hantida
Danta Guud ee Qaranka (Guurtada iyo Maguurtada), si waafaqsan Qod. 3aad ee Xeer
Lam, 18, ee soo baxay 29 Jannaayo 1976, waxa uu ka war helay xog aqijineysa in ded shacab
ah ay boob iyo Ku-xad-qudub ku hayaan Dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliveed (JUS).
gaar ahaan Xaruntii Jiifka Ardayda, dhulkeeda bannaan iyo Xeendaabka ku wareegsan ee Ex
Conrtol Afgooye, shakhsiyaadkaas oo sifo sharci darro ah ku doonaya in ay kula wareegaan
dhulkaas, oo cid aan JUS ahayn milkiyad sharci ah ku sheegan karin.
Haddaba, Xafiiska Garyaqaanka Guud waxa uu ku war-gelinayaa shakhsiyaadkaa shacabka
ah, Ganacsatada iyo cid kasta ee ku hawlan Ku-xad-gudubka, cabiridda, qabsashada, kala
wareejinta iyo wax kasta oo wax-ka bedelaya Milkiyadda iyo Asalka Dhulka Xaruntii Jiifka
Ardayda iyo Dhulkeeda Bannaan (Reserve) iyo Xeeyn-daabka ku wareegsan in ay ka
waantoobaan, asaga co uga digaya dadkaas in ay hantidooda iska geliyaan, xili ay
Jaamacadda Ummadda oc sii ballaaraneysa ay ku hawlantahay sidil ay dhulalkaas. cacanteeda ugu soo celin lahayd, si ay ugu qabato Mustaqbalka dhaw Adeegyadii Deginta Ardayda ee awgiis loogu talo-galay.
Sidoo kale Xafiiska Garyaqaanku ku war-gelinayaa Masuuliyiinta Degmada Hodon, gaar ahaan Maamulka Degmada iyo Taliska Booliska Degmada in ay xil iska saaraan Joojinta boobka dhulalka JUS oo ku yaala Degmada Hodon po ah Hanti Dan Guud, gaar ahaan Dhulka Xaruntii aan sare kusoo sheegnay co loogu talo-galay Dammaashaadka Arday iyo Fidinta Jaamacadda ee Mustaqbalka
Sidaas darteed, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda, waxa uu ka codsanayaa Xafiisyada ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto in ay joojiyaan falalkaa sharci carrada ah iyo boobka ka socda Dhulalka Jaamacadda, iyo Xarunta aan soo sheegnay, ayada co Xafiisku cid kasta oo ku-xad-gudbta ka qaadi doonno tillaabo sharciga waafaqsan.